Warbixin:Xafiiska Michael Keating oo culees ku haya Villa Somalia

Wararka Maanta

Xiriirka ka dhaxeeya Michael Keating iyo xafiiska madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmajo ayaa u muuqda mid sii xumaanaya, ilo madaxtooyadda ku dhow ayaa xaqiijiyay in caawimaada xafiiska Michael Keating ee arimaha Somalia ay ka badan tahay jilaafada uu ku hayo hormarka dalka.

Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shir u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyadda iyo madaxda Dowladda dhexe, shirkaan wax door ah kuma lahan beesha caalamku, waxaan la dafiri karin in beesha caalamku ay xooga saartay iney iyadu wada hadal u qabato hogaamiyaasha Soomaalidda ,laakiin Villa Somalia ayaa diiday arintaas.

Xubno ka tirsan xafiiska Michael Keating ayaa la dajiyay Villa Rossa oo ah hotel ku yaala dhabarka madaxtooyadda Somalia si ay ula socdaan shirkadda Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, wararku waxey sheegayaan inuu xubnahaas ka mid yahay Da’uud Aweys oo xafiiska Michael Keating ka tirsan xiligaan, waa markii ugu horeysay oo shaqaalaha UN-ka la dajiyo meel ka baxsan goobta aadka loo ilaaliyo ee Xalane.

Michael Keating iyo saaxibadiisa reer galbeedku waxey ku dadalayaan in la isku fahmi waayo shirkaan si ay lagama maarmaan u noqoto iney shirka fara galiyaan oo ay madaxda Soomaalidda u yeeriyaan sidda ay iyagu rabaan.

Dadka u dhuun daloola arimaha saaxibadda Somalia oo loola jeeddo beesha caalamka ayaa sheegaya in aaney xiligaan Soomaaliddu u baahneyn danjire Michael Keating, sidoo kale waxaa aad loo dhaliilay doorkoodii musiibadii Zoobe ka dhacday 14kii bishan October.

Ceelhuuronline

W/Q: Abdullahi Osman Farah.