Sergio Aguero Oo Aad Ugu Faraxsan Nolosha Manchester City

Ciyaaraha

skysports-pep-guardiola-sergio-aguero-manchester-city_3827596

Sergio Aguero ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsanaa Tababaraha kooxda Pep Guardiola ka hor xilli ciyaareedkan, islamarkaana uu ku raaxaysanaayo nolosha  Manchester City .

Xiddiga reer Argentina ayaa laga saaray ‘line-upka Citizens  kulankii Barcelona iyo Everton, taasoo keentay in su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa mudada dheer ee Guardiola iyo garoonka Etihad Stadium.

Aguero ayaa tan iyo markii uu ku soo laabtay kooxda koowaad door muhim ku lahaa guushii aheyd 3-1 ay ka gaareen Barcelona  todobaadkii la soo dhaafay,  sidoo kale dhaliyay labo gool kulankii West Bromwich Albion.

 

Aguero ayaa 14 kulan u saftay City tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 11 gool .

W\D Hafsa Haaji

Comments are closed.