Aqriso: Magacyada iyo beelaha xubnihii ku guuleystay Aqalka sare Hirshabeelle

Wararka Maanta

Waxaa caawa soo idlaaday Doorashada xildhibaanada aqalka sare Hirshabeelle, doorashada ayaa aheyd mid u dhacday hab qarsoodi ah ayaa Xildhibaanada waxay u codeynayeen Musharaxiin ku tartamayay kuraasta Beelaha dega labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose ee ka soo gaaray qoondada Aqalka sare ee Hirshabeelle.

Afar ka mid ah kuraasta Aqalka sare ayaa lagu guuleystay, iyadoo aan la tartamin, kaddib markii ay tanaasuleen qaar ka mid ah Musharaxiintii tartami lahaa.

8-da xubnood ee Aqalka sare ayaa labo ka mid ah waxay yihiin Haween oo keligood ku tartamayay, waxayna ahaayeen doorashadii ugu xiisaha badneyd, marka loo eego doorashada ragga.

Halkan hoose ka akhriso magacyada 8-da xubnood ee Aqalka sare u matalaya Hirshabeelle.

 

1. Cismaan Maxamed Macow Gugundhabe- Jajeelle

2. Prof. Cismaan Maxamuud Dufle Udeejeen

3. Muuse Suudi Yalxow Abgaal- Wacbuudhan

4. Maxamed Xuseen Raage  Xawaadle

5. Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun) Xawaadle

6. Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Abgaal- Harti Abgaal

7. Fartuun C/qaadir Faarax (Karaama) Jareer Saddex Cumaroow

8. Naciima Ibraahim Yuusuf. Gaaljecel- Caloofi

Comments are closed.