Kooxda la socodka cuntaqabeynta hubka Soomaaliya iyo Erateriya ayaa soo saartay warbixin sanadeedka 2018, waxayna soo saartay warbixin ka kooban 47 bog.
Warbixintaan oo ku qoran Ingiriis ayaa ka hadlay baaritaano ay ku sameeyeen sida hubku kusoo galo Soomaaliya, dhibaatada Alshabaab, shacabka dhibaatadu kasoo gaarto duqeynta diyaaradaha Maraykanka.
Bogga 38-aad ee warbixintan ayaa si gaar ah looga hadlay duqeymaha ciidamada shisheeye iyo waxyeelada kasoo gaarta dadka rayidka ah, Warbixinta ayaa xustay in 25 August 2017 ciidamada Maraykanka iyo Xoogga dalka ay si wadajir ah weerar ugu qaadeen beer ku taala deegaanka Bariire Gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarkan ayaa dhaliyey dhimashada 2 caruur ah iyo dad kale oo shacab ah, waxaana rasaastii laga helay goobta dadkaas rayidka ah lagu dilay la ogaaday in lagu farsameeyey Maraykanka.
“On 25 August 2017, SNA and US forces jointly carried out a ground attack at a
farm near Barire village, Lower Shabelle region, resulting in the deaths of two children, and
potentially other civilians. Casings from 5.56×45 mm bullets, consistent with ammunition
manufactured in the United States, were found at the scene of the operation“
Sidoo kale Warbixintaan ayaa looga hadlay sida dowladaha shisheeye ay ugu lug leeyihiin soo galitaanka hubka gudaha Soomaaliya, halkaan ka daalaco warbixinta oo dhameystiran.