Indha Qarshe “Sax ma aha in laba sano iyo bar Ciidanku soo maro Shan Taliye”

Wararka Maanta

Taliyaha xilka ka sii degaya ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe, ayaa si kulul uga hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay iyo waxa laga filan karo ninka bedelaya ee Jen. Odawaa Yuusuf Raage.

Jen. Indha Qarshe ayaa dhaliilay hanaanka madaxda dalka ay u marayaan xil ka qaaidsta Taliyayaasha Ciidamada, isagoo sheegay inaan wax fursad ah la siin Hoggaanada Ciidanka, wuxuuna su’aal iska weydiiyay waxa laga filan karo inay wax qabtaan 5 taliye oo Ciidamadda Xoogga dalka ay soo mareen laba sano iyo bar gudahood.

Xil ka qaadistii lagu sameeyay ayuu ku sheegay iney qeyb ka tahay isbedelka lagu sameeyo Ciidamada, isagoo sheegay inuusan wax dhiba u arag, balse loo baahan yahay in Taliyaha fursad la siiyo, si loogala xisaabtamo waxa uu dalkan u qabtay.

“Inkastoo aniga aan ka jeclaan lahaa inaan Ciidanka muddo labo sano iyo bar shan taliye soo marin halkii Taliye ee u horeeyay loo daayo, hadana aan kula talinayo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Odawaa Yuusuf Raage hala siiyo waqti lagula xisaabtamo la yiraahdo waxbaa qabatay ama wax ma qaban, laakiin hadii dhowr bilood ka bacdi la bedelo isagana wixii lagula xisaab tami lahaa meesha ma yaalo” ayuu yiri Jen. Indha Qarshe oo VOA-da u waramay.

Jen. Indha Qrashe waxa uu sheegay in hadii isbedelka joogtada ah ee Ciidamada lagu sameynayo ay sii socoto ka dhignaaneyso in dib u dhac uu hareeyo shaqada Ciidamada, halkii laga sugaayay inuu horu socod sameeyo.

“Maah maah ruushka ahaa jira oo dhaheysa hal tallaabo hore u qaad laba tallaabo dib u soco, xagee jooogtaa, meeshaa joogto ma taqaanaa, meeshaa joogtaa kaa dambeysay weeye, Ciidanka wuxuu u baahan yahay Taliye rasmi ah oo waqti la siiyay, yaqaano Saraakiishiisa, Yaqaana hubka la heysto” ayuu yiri Indha Qarshe.

Ugu dambeyn Taliyaha xilka ka sii degaya ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu ka daayo Ciidamada isbed bedelka joogtada ah ee Talisyada Ciidamada uu ku hayo.

Xigasho: Jowhar News