Daawo: Saraakiil Booqatay dugsiga tababarka Booliska Galmudug (Sawirro+Video)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi balaaran oo ka socday taliska ciidanka booliska soomaaliya ayaa maanta  waxa ay kormeeer ku sameeyeen saldhiga ciidanka booliska dagmada cadaado iyo dugsiga tababarka ciidanka booliska galmudug ee guuleed

Taliyaha ururka taliska booliska soomaliya gaashaanle cumar maxamed xasan cumar yare ayaa markii uu gaaray dugsiga tababarka ciidanka booliska galmudug ee guuleed oo ay tababar ku qaadanayaa ku dhawaad 400 dhalinyaro oo boolisnimo loo carbinayo ayaa halkaa waxaa warbixin ku siiyay taliyaha tababarada dhame cabdikariin khayre

Gaashanle sare cumar maxamed xasan cumar yare ayaa markii uu warbixinta ka dhageystay taliyaha dugsiga tabarada waxa uu ciidamada tababarka ku jiray salaan kaga gudbiyay taliyaha ciidanka booliska soomalia sareeye gaas maxamed sheikh xasan xaamud isaga oona u sheegay in uu mar walba ka war hayo  taliyaha ciidanka booliska soomaliya

Sidoo kale taliyaha ururka taliska booliska soomaaliya gaashaanle cumar maxamed cumar yare ayaa waxa uu kormeer ku sameyay saldhiga ciidanka booliska ee dagmada cadaado waxaa uuna u balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu keeni doono isgaarsiintii ay isticmaali lahaayen ciidanka booliska galmudug taliyaha saldhigana looga baahanyahay in uu diyaariyo halkii la dhigi lahaa agabkaas

Markii uu kormeerka usoo idlaaday wafdigii uu hogaaminayay taliyaha ururka taliska booliska soomalia ayaa waxaa uu dhagax dhigay xarun cusub oo lagu tababarayo ciidanka booliska galmudug waxaana dhulka laga dhisayo xerada tababarka ku deeqay nabadoon xasan dhoore iyada oo dhulkaas uu ka gudoomay taliyaha booliska galmudug cabdicasiis yuusuf aadan dhagabadan.

DSC00091 DSC00093 DSC00095 DSC00278 DSC00280 DSC00285 DSC00291 DSC00290

Comments are closed.