Sedex Ka Mid Ah Xidigaha Muhiimka Ah Ee Arsenal Oo Dhaawac Kasoo Laabtay

Ciyaaraha

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in xidigo muhiim ah ay uga  soo laabteen dhaawacyo  ka hor kulanka ay u safrayaan kooxda Watford ee Premier League.

Iyadoo Gunners ay  guuleysatay afartii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, tababare Arsene Wenger ayaa waxaa ka maqan seddex ka mid ah ciyaartoydiisa koowaad ee mudadaas, iyadoo Francois Coquelin, Mesut Ozil iyo Danny Welbeck ay dhamaantood dhaawacyo ku maqnaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Football.London, sedexda ciyaartoy ayaa diyaar u ah safarka gaaban ee Watford Sabtida, Oktoobar 14.

Coquelin ayaa la dhibtoonaya dhaawac muruqa ah, laakiin mar hore ayaa ku soo laabtay tababarka, halka Welbeck uu qorsheynayo inuu ku biiro kooxda Isniinta.

Ozil ayaa seegay xulkiisa Jarmalka sababtoo ah dhibaato jilibka ah, laakiin kubadsameeyaha waxa uu diyaar u yahay qorshaha Wenger .

W/Q Hafsa haji