(Sawirro)Guddoomiyaha Doorashooyinka, Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska oo gaaray Jowhar

Wararka Maanta

Taliyaha nabad sugida Soomaaliya , taliyaha ciidamada booliska iyo gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban ayaa maanta tagay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeele.

Generaal Cabdulaahi Gaafow taliyaha Nabad sugida iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa magaalada kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeele iyo saraakiisha ciidamada ee kusugan magaalada Jowhar.

Ujeedada wafdigan u tageen magaalada Jowhar ayaa ah iney xal ka gaaraan shaqaaqadii dhawaan ka dhacday hoolka shirarka ee magaalada Jowhar, taasi oo cabsi badan ku abuurtay shacabka magaalada iyo ergadii doorashada ka qeyb galaysay.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban Avv. Cumar Dhageey ayaa kulamo la leh madaxda doorashooyinka ee heer maamul iyo xubnaha musharixiinta ah ee shaqaaqada ka bilaabatay.

Sidoo kale wafdigan ayaa la kulmi doona Madaxda Maamulka Hirshabeelle, saraakiisha ammaanka, iyagoo kormeer ku tagi doono xarunta doorashada ka dhaceyso.

Gudiga doorashooyinka dadban ayaa maalin ka hor soo jeediyay in la hakiyo doorashada magaalada Jowhar, walow maanta gudiga doorashooyinka heer maamul Hirshabeelle ay sheegeen in Arbacada doorashada dib u bilaabaneyso.

1-1

2-1

3-1

4-1

Comments are closed.