Harry Redknapp Oo Jeclaan Lahaa In Uu Ku Laabto Shaqada Tababarnimo

Ciyaaraha

Harry Redknapp ayaa sheegay in uu “jeclaan lahaa” inuu qaato door cusub oo maamulka ka dib markii uu ka tagay Birmingham City horaantii bishaan.

70 jirkaan ayaa ceyrisay kooxda ka dhisan Midlands ka dib markii uu bilow xun ku biloway xilli ciyaareedkan, taasoo ay u muuqatay inay keliya afar dhibcood ka qaadatay sideedii kulan ee ugu horeysay horyaalka.

Redknapp ayaa sheegay in uu aad uga rajo qabo in uu mar uun qaban doono shaqo kale, laakiin haatan tababarihii hore ee Tottenham, Portsmouth iyo West Ham United ayaa cadeeyay in laga yaabo inuu waqti kale ku laabto.

Redknapp wuxuu soo maamulay todobo kooxood oo kala duwan kuwaas oo England ka ciyaara  intii uu kubada cagta ciyaarayay, sidoo kale wuxuu qaatay labo todobaad oo uu macalin u ahaa xulka qaranka Jordan sannadkii hore.

W/Q Hafsa haji