Deg Deg Wafdi uu Hugaaminayo Abshir Bukhaari Oo Cadaado Gaaray iyo Kulamo hada Socda

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Goor dhow waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug Gaaray Wafdi kasocda Dowladda Dhexe oo uu Hugaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari Wafdigaan oo ka kooban Xildhibaanada labada Gole ee laga soo doortay Degaanada Galmudug ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Cadaado kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Mudanayaashaan oo kala ah Xildhibaan Mahad Maxamed Salad
Xildhibaan Sabir Nuur Shuuriye
Xildhibaan axamed Macalin Fiqi
Xildhibaan Cabdi Xassan Cawaale qeybdiid
Xildhibaan Xasan Macalin
Xildhibaan Cabdiwali Qanyare
Xildhibaanad Sahro Cumar
Xildhibaanad Jawaahir  Axmed Cilmi
Xildhibaanad Marayan
Xildhibaan Warsame Maxamed Cabdi(Joodax)

Wafdigaan oo Ujeedkoodu ahaa daminta Xiisada Siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxda sare ee Galmudug ayaa markii ay gaareen Cadaado Waxay ugu horayn Kulan la yeesheen Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo qaar kamid Baarlamaanka Galmudug Shalay ku dhawaaqeen in ay Xilka ka qaadeen wax faa faahin ahna wili laga helin kulankaas sidoo kale waxay xiligaan kulan kale oo albaadau u xiran yahay la leeyihiin Madaxwayne Ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana sidoo kale qorshaha ugu jira inay kulamo la qaataan Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulkaas sida ay Ceelhuur.com u Xaqiijiyeen ilo ku dhow Wafdigaasi.

Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doona Waxgaradka iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan ee deegaanka si biyo qaboow loogu shubo Xasradaha Siyaasadeed ee taagan deegaanka tan iyo markii Madaxwaynaha Maamulkaasi ka hor yimid Mowqifkii dhex dhexaadnimo ee DFS ka qaadatay Khilaafka Wadamada Khaliijka

 

Goor dhow filo Faa faahino iy Sawiro Insha allah

Ceelhuuronline