C/kariin Guuleed oo ka hadlay Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynihii hore Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii ugu hireysay ka hadlay doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga ayaa u qornaa sidan:

TALO SOO JEEDIN

Ayadoo laga Anbaqaadayo wararka niyadwanaaga iyo yadadiisha leh ee ka soo baxay Maamulka Ururka.Culumada Ahlu Sunna, lana tixgalinayo taladii Raisu Wasaare Xasan kjeyre, lagana faaideysanayo casharadii laga bartay mashaakilaadkii la soo darsay Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo khaladaadkii horay loo soo maray, ayaan waxaan Masuuliinta iyo Xildhibaanada iyo Dadweynaha Reer galmudugba u soo jeedin lahaa talooyinkaan soo socda:
1. In Masuuliinta Galmudug ay si niyad wanaag u soo dhaweeyaan warka yadadiisha leh ee ka soo yeeran dhanka Maamulka Culumada Alhu Sunna, ayna muujiyaan tanaasul kasta oo keeni kara maamul mideysan oo ka hana qaado Gobalada Dhexe.
2. Inaan lagu deg degin Doorashooyinka Galmudug oo fursad la siiyo jawiga wanaagsan ee hatan bilowday.
3. In Dowladda dhexe ay dadajiso dameystirka wadahadalada labada dhinac si uu u soo baxo maamul Galmudug oo modeysan meeshana looga saaro kala.qoqobnaantii iyo kala qeybsanaantii.