Madaxweyne Xaaf oo u duulay magaalada Muqdisho

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goordhow u duulay Magaalada Muqdisho Caasimadda Dalka.

Madaxweynaha ayaa Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug, Waxaana halkaas shalay lagu ansixiyey dastuurka uu yeelanayo maamulka cusub, inkastoo aan laga warheynin qodobada ku qoran dastuurkaas.

Madaxweyne Xaaf ayaa wajahaya Mucaarado xooggan oo kaga imaanaya xildhibaanada Galmudug, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa. Waxaana magaalooyinka Cadaado iyo Muqdisho ka socda shirar looga arinsanayo xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug.

Dhanka kale Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in ay halkaas beri iska soo raaci doonaan Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, oo markii ugu horeysay booqan doona degmada Hobyo gobolka Mudug.

Magaalada Hobyo ayaa waxaa ka socda diyaargarowga munaasabadda xarig jarka wadada xariirisa Galkacyo iyo Hobyo oo waji koowaad dhamaaday, sidoo Waxaa halkaas ku qulqulaya masuuliyiin farabadan.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com