Sawirro: Taalladii Axmed Gurey KM4 oo dib loo dayactiray

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa xalay furay Taalladii Axmed Gurey ee ku taal Isgoyska KM4, taasoo dhowaan la dayactiray.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay magaaladu lahayd.

Mashruuca lagu dhisay taaladan oo muddo soo socday ayaa waxaa maalgeliyay shirkadaha Isgaarsiinta, waxaana uu ahaa mashruuc muddo soo socday oo ka horeeyay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa ammaanay qaabka quruxda badan ee loo dayactiray taalladan, waxaana uu sheegay in mashruucan ay xigi doonaan kuwo la mid ah oo lagu soo nooleynayo astaamihii qaranka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay si buuxda kala shaqeyn doonaan Xukuumadda federaalka iyo shacabka Muqdishaba sidii dib loogu soo nooleyn lahaa, loona dayactiri lahaa taallooyinka qaranka iyo goobihii nasashada oo intooda badan ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay.

3-15 6-11 21076653_1557200031014221_1382168482_n 21081944_1557200854347472_46082859_o