Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday Musharaxii ugu horeeyay ee iska diiwaan geliya Guddiga doorashada Madaxweynaha, maalin kaddib markii Guddiga uu shaaciyay xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha.
Sheekh Shariif ayaa buuxiyay shurudihii Musharaxnimada, iyadoo la siiyay shahaadada cadeyneysa Musharaxnimadiisa, iyadoo wixii hada ka dambeeya noqonaya Musharax la diiwaan geliyay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu ku wajahan yahay mid ka mid ah dalalka deriska, si uu u soo gaba gabeeyo safaradiisa u dambeeya ee Ololihiisa dibadda, waana tan keentay inuu goor hore is-diiwaan geliyo.
Musharax Shariif ayaa lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa Musharaxa ugu safarka badan oo aan Muqdisho joogin Hal bil oo kaamil ah, waxaana Ololihiisa doorashada uu inta badan ka waday dalka dibadiisa.
Waxaa uu mar kale doonayaa inuu ku guuleysto xilka Madaxtinimada Soomaaliya, hase ahaatee dad badan ayaa shaki gelinaya qaar ka mid ah xubnaha Ololihiisa oo ay ku jiraan kuwo aan waayo arag aheyn iyo qaar qar iska tuur ah.
Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in diiwaan gelinta Musharaxiinta ay bilaabatay maanta oo Khamiis ah 26 February, ayna ku eg tahay 29 bishan.
Doorashada Madaxweynaha ayaa loo asteeyey in ay dhacdo 8 Febaraayo 2017.