Hormuud oo 600,000$ ugu deeqday Abaaraha

Wararka Maanta

Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ugu deeqday 600,000$ dadku abaartu saameysay, waxaana munaasabada magaalada Muqdisho ka dhacday lacagtaas lagu wareejiyey hay’ada Hormuud Foundation oo qaabishan gargaarka iyo taageerada dadka liita.

FB_IMG_1485448710927

Waa lacagtii ugu badneyd ee shirkad ganacsi ugu deeqdo wax ka qabashada abaaraha, iyadoo horey Hormuud Foundation gargaar isugu jira raashin iyo biyo dhaamin.

Gobolada Soomaaliya ayaa waxaa saameyn ku yeeshay abaar daran oo ka jirta, reer guuraaga deegaanada ayaa usoo hayaamay magaalooyinka kadib markii xoolihii ka dhamaadeen, webiga shabeelaha ayaa qalalay goobaha qaar.