Soomaali laga Tarxiilay Maraykanka oo Muqdisho laga dajiyey

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in 90 qof oo Soomaali ah maanta laga dejiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kadib markii laga masaafuriyey dalka Mareykanka.

Safiirka Soomaaliya ee Washington DC Axmed Cawad ayaa idaacada VOA u sheegay in dadka la celiyey ay isugu jiraan dad dambiyo ka galay Mareykanka iyo dad iska soo dhiibay dalkan balse loo diiday magan galyo.

Safiirka ayaa sheegay in go’aanka dadkan lagu masaafuriyey ay goysay maxkamad. Siyaasada Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa xoogga saareysa sidii loo maareyn lahaa qaxootiga sharci daradda ku jooga Maraykanka.