Sawirro:-Diyaarado Dagaal Oo Caawa Lagu Arkay Hawada Magaalada Garoowe

Wararka Maanta

Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal Puntland waxaa Caawa lagu arkay diyaarado gaaraya ilaa Saddex kuwaas oo Dul heehaabayay Hawada Mudo Saacado ah.

Diyaaradahaan oo aan weli la garan halka laga leeyahay ayaa ku socday Jawi hoose sida ay ku warameen dadka ku nool Magaalada Garoowe.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland weli war ah kamacsoo saarin, lamana hubo inay wax kala socdaan diyaaraddahaan iyo in kale.

Shacabka Magaalada Garoowe ayaa Caawa la yaaban Diyaaradahan,Waana markii ugu horeysay diyaaraddo caynkaan ah ay dulmaraan hawada Magaalada Garoowe mudo Sanado ah.

Sawirro