Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-5-2017 ,xukun dil doogasho ah ku riday Shan nin oo dhawaan ciidamada amaanka Boosaaso ku qabteen gaari iyo Qaraxyo ay wateen oo ay qorsheynayeen inay ku qarxiyaan qeybo kamid ah magaalada .
Magacyada Dhalinayarada Maxkamaddu xukuntay ayaa kala ahaa :-
Cabaas Ibraahim Yare Aadan – ina Khadiijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Baydhabo –Dil Toogasho
Ibraahim Maxamed Canshuur –Ina Khadiijo Cabdullaahi Cali 20-jir ah ku dhashay Afgooye Dil Toogasho
Dhaqane Aadan Cabdi Xassan –Ina Sacdiyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere Dil toogasho
Aadan Nuur Aadan Cali –Ina Kuuso Maxamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydhabo –Dil Toogasho
Nuur Cabdi Aadan Isaaq –Ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle –Dil Toogasho.