Maxaa ka jira in Somalia laga lahaa Hubkii lagu fuliyay weerarkii Nayroobi?

Wararka Maanta

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay War soo baxay shalay oo ku aadanaa in Soomaaliya laga lahaa hubkii Al-Shabaab ay ku weerareen Hoteelka Dusit D2 ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Xubno ka mid ah Ilaha Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay in Hubkii ay wateen Kooxdii weerartay Hoteelka laga lahaa Soomaaliya, islamarkaana uu ahaa hub horay dowladda dhexe  loogu deeqay.

La taliyaha dhanka Ammaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararkaasi ku sheegay mid been abuur ah, Madaama aysan jirin Cadeymo rasmi ah.

Cabdisaciid Maxamed Cali la taliyaha Ammaanka ee Madaxweye Farmaajo waxaa uu sheegay in aysan jrin warbixin ku saabsan hubkaasi oo dowladda Kenya ay la wadaagtay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wargeyska lagu Magacaabo Daily Nation ayaa sheegay in Kooxdii gudaha u gashay hotelka DusitD2, ay wateen 5 qori, qaarkood waa laga tirtiray Lambarada lagu aqoonsado hubka dalka laga leeyahay , laakiin labo ka mid ah ayaa laga helay Caalamad lagu yaqaano hubka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Dowlad kasta waxa ay leedahay sumad ay u isticmaasho hubkeeda qoryihii laga helay  14 Riverside Drive waxaa ka muuqday sumadda  ‘SO’ oo ah calaamada ay isticmaalaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.”ayaa lagu daabacay wargeyska DailyNation.