Masuul xalay lagu dhaawacay waqooyiga Galkacyo

Wararka Maanta

Mid ka mid ah xubnaha Golaha Degaanka Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa xalay waxa uu ka badbaaday isku day dil, xildhibaanka bad baaday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/fataax Xasan Xuseen.

Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday, waxaana xildhibaanka Rasaastii lagu furay ka soo gaartay dhaawac fudud, sida ay inoo sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka ee ku sugan Gaalkacyo.

Askari ka akdhowaa goobta lagu weeraray xildhibaanka ayaa waxa uu Rasaas ku furay Dableydii, inkastoo ay goobta ka baxsadeen.

Xildhibaan C/fataax Xasan Xuseen oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray gacanta ayaa islamarkiiba waxaa loola cararay isbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Qarax Gaarigiisa loogu xiray Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland, kaasi oo soo gaaray dhaawac culus.

Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan ayaa dhaawaciisa waxaa loola cararay Magalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii saraakiisha caafimaadka Gobolka Mudug ay sheegeen in dhaawaciisa aan waxba looga qaban karin gudaha dalka.