Galmudug iyo AMISOM oo ka shiray sugidda Amniga doorashada (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada saraakiil ka socota howlgalka Amisom.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil ka tirsan xogga dalka iyo NISA, kullankan ayaa looga hadlay istaraatiijiyadda sugidda amniga doorashada oo ay marti galinayso magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah ee Galmudug.

Magaalada Cadaado ayaa waxaan dhawaan soo gaaray ciidamo ka socda dalalka Jabuuti iyo Burundi oo ka tirsan howlgalka AMISOM, waxaana la filayaa in dhawaan bilowdaan doorasha xildhibaanada aqalka hoose.

received_10206196100300270 received_10206196099620253 received_10206196099460249 received_10206196099340246 received_10206196099260244 received_10206196098940236 received_10206196098660229 received_10206196098580227

Comments are closed.