Cabdi Faarax Laqanyo oo u sharaxan madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar. Musharraxa ayaa waxaa la socday siyaasiyiin,culuma’udiin iyo oday dhaqameedyo kasoo jeeda Hirshabeelle, Musharaxa ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Xildhibaano, Wasiirro, Culuma’uddiin, oday dhaqameedyo, dhallinyaro iyo haweenba.
Mr. Laqanyo ayaa u mahadceliyey Bulshadii soo dhaweysay, Laqanyo ayaa horey u soo noqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan, Doorashada Madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto 12ka bishan September oo ku beegan maalinta Talaadada ah. inkastoo ay beesha caalamku dhaliilsan tahay doorashada ka dhacaysa Jowhar, iyagoo ka digay qalaalaase siyaasadeed, maadaama Cali Cosoble oo ay xildhibaanadu Hirshabeelle sheegeen inay xilka ka qaadeen uu iska diiday, isagoo fadhiisan ka sameystay Magaalada Beledweyne.