Diego Costa Oo Amaah Ugu Wareegaayo Fenerbahce

Ciyaaraha

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa laga yaabaa inuu seego heshiiska uu ugu soo laabanaayo kooxda Isbuucaan, sida laga soo ay wararku sheegayay in wakiilkiisa uu wadahadal kula jiro kooxda Fenerbahce ka hor inta uusan xirmin maalmaha soo aadan ee suuqa kala iibsiga Turkiga.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa la filayay inuu u dhaqaaqo Atletico Madrid xagaagan, lakiin waxa uu ku guuldareystay inuu heshiis la gaaro xilli ciyaareedkan sababo la xiriira mushaar dhimis.

Costa ayaa weli la filayaa inuu ka tago Chelsea bisha Janaayo, lakiin waxaa laga yaabaa inuu qeyb ka noqdo qeybta hore ee xilli ciyaareedkaan madaama wakiilkiisa uu doonayo inuu wadahadal uga soo wareego si ku meel gaar ah dalka Turkiga.

Sida laga soo xigtay jariiradda London Evening Standard, qareenka Costa Ricardo Cardoso ayaa Isbuucaan ku sugnaa Istanbul si uu ugala hadlo suurtogalnimada heshiis lagu yareeyn karo Chelsea.

W/Q Hafsa haji