Madaxweynaha Xasan 27 sano kadib Hindiya ka dalbaday Shahaadadiisii Masterka Wararka Maanta January 24, 2017 533yt-*717 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 1986 tagay dalka Hindiya, isagoo ku biiray jaamacadda Bhopal ( hadda Waa jaamacadda Barkatullah ). Halkaas oo ka dhameystay heerka master-ka 1988. Sida uu qoray wargeyska Hindustan Times Madaxweyne Xasan ayaa 27 sano kadib dalbaday shahaadadiisii Masterka, isagoo 2015 warqad u qoray dowlada Hindiya isagoo ka codsanaya inuu helo shahaadadiisa. Xasan Sheekh ayaa booqasho uu ku tagay dalka Hindiya khudbad ka jeediyey jaamacadii oo masterka ka qaatay, waxaana dalka Hindiya deeqo waxbarasho siiyaa arday farabadan, sanad waxbarasheedka 2015/2016 Hindiya waxa ay bixisay 3,339 deeq waxbarasho. Xigasho:Hindustan Times Share garee:TweetWhatsApp Related