Cadaado: Kalfadhiga 7aad fadhigiisa 1aad ee Barlamaanka Galmudug (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Barlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku shiray xarunta kafaalo Magaalada Cadaado, Waxaana shir gudoominayey gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, fadhigan oo ahaa kalfadhiga 7aad fadhigiisa 1aad ee  ee Barlamaanka Galmudug ayaa Waxaa soo xaadiray 46 xildhibaan, waxaana  looga dooday ajandayashan:

  1. Furitaanka Kalfadhiga
  2. Dhageysiga Guddiga Barlamaanka
  3. in Xukuumaddu soo gudbiso sharciyada laga sugayo.

Xildhibaanada ayaa ansixiyey ajendaha fadhiga, waxaana kadib la guda galay dooda ajendayaasha horyaalay fadhiga barlamaanka, dood ka timd Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal ayaa xukuummadda ugu baaqay in ay deg deg usoo gudbiyaan sharciyada laga sugayey oo ay ka mid yihiin:

  1. Sharciga Dowladaha Hoose
  2. Sharciga Cadaaladda iyo Garsoorka
  3. Sharciga Shaqada iyo Shaqaalaha.

Gudoomiye Cali Gacal ayaa sheegay in uu warqad u qori doono xukuumadda sidii sharciyadaas loo horkeeni lahaa barlamaanka. gababagabadii ayaaa gudoomiyuhu fadhiga soo xiray, waxaana loo balamay fadhiga xiga oo dhici dooba beri 24 Juun 2018.