Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo degatay diyaarad siday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), taasi oo ka soo qaaday Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Imaanshaha Sheekh Muqtaar Roobow ee Muqdisho ayaa ka dambeysay ka gadaal markii saakay uu magaalada Xudur kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed, Taliye ku xigeenka NISA, iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa waxaa magaalada Muqdisho la yimid Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed, Taliye ku xigeenka Ciidanka NISA iyo saraakiil kale.
Magaalada Muqdisho waxaa xilligan ku sugan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muhiim u ahaa wada hadalada la isugu soo dhaweeyay Dowladda Dhexe iyo Abuu Mansuur.
Abuu Mansuur waxaa uu noqonaya Sarkaalkii ugu sareeyay oo ka soo goystay Shabaab, isuna soo dhiiba Dowladda Madaxweyne Farmaajo, tan iyo markii uu Farmaajo xafiiska qabtay.
Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda.