Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyey Kismaayo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Xaaf ayaa gaaray Magaalada Kismaayo Xarunta kumeelgaarka dowlad goboleedka Jubbaland, Mr. Ducaale iyo wafdigii la socday ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Kismaayo. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyey dhigiisa Axmed Ducaale.

Qeybaha Bulshada oo ruxaya calanka Galmudug iyo sawirka Madaxweynaha Galmudug ayaa saf dheer ku soo dhaweeyey wafdiga. sidoo kale kooxda ciyaaraha dhaqan ayaa dhaanto ku soo dhaweeyey Madaxweynaha.

Wafdiga uu Madaxweynuhu hogaaminayo ayaa waxaa ku jira wasiiro, xildhibaano, Taliyaha NISA Galmudug iyo Xubno ka socda Madaxtooyada Galmudug. Shirka Dowlad goboleedyada ayaa la filayaa inuu beri ka furmo Magaalada Kismaayo, waxaana looga arinsan doonaa khilaafka ka dhaxeeya Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.