Roobka Dayrta oo ka curtay deegaanada Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Roobka dayrta ayaa ka curtay qaar ka mid ah deegaanada Galmudug, waxaana deegaanada Galmudug labadii sano ugu dambeysay ka jiray abaar daran. xoola dhaqata ayaa xoolahooda ula hayaamay deeganada Somaliland, Puntland iyo gobolka Hiiraan.

Dadka xooluhu ka dhamaadeen ayaa soo galayey magaalooyinka waaweyn, xerooyin barakac ayaa ka sameysmay duleedada magaalooyinka. Shalay galab iyo xalay waxaa deegaanada qaar ka da’ay roob ay ku diirsadeen dad iyo duunyaba.

Magaalooyinka uu roobku ka da’ay waxaa ka mid ah Galkacyo, Cabudwaaq, Cadaado iyo Guriceel. inkastoo meelaha qaar roobku uusan xoog badneyn. hadana waa qabow fiican. oo lagu diirsaday. Cirku waa daruuro dhammaan deegaanada Galmudug. waxaana la filanayaa raxmadda eebbe.

Wararka roobka kala soco ceelhuur.com