Dhammaan dugsiyada waxbarashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta 6 Maajo ka bilowday imtixaanada Shahaadiga ah Sare iyo dhexe.
Sidoo kale Sabtiga soo socda 13 Maajo ayaa la filayaa in imtixaanka fasalada kale bilowdaan, jadwalkaan ayaa ka dhaqangalay dhammaan dugsiyada waxbarashada Galmudug. Imtixaankaan ayaa ah kii lagu soo afmeerayey sanad dugsiyeedka 2016/2017.
Sawiradaan hoose waa dugsiga hoose dhexe Cumar Alfaaruuq Cadaado oo ay maamusho hay’ada Iftiin.
Wariye: Cabdisalaan Duceysane- Cadaado