Maxaa sababay Guuldarada Faarax C/qaadir?

Wararka Maanta

Tani waa aragtideyda sababaha keenay in Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ku guuldareysto hamigiisii ahaa kursiga Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, waxaana ku faaqidi doonaa arimo aan is leeyahay way keeneen guuldarada Faarax.

Mudane Faarax C/qaadir ayaa kalsooni badan ka muuqatay maalintii barlamaanka ka horjeedinayey khudbadii musharaxnimada, waxaana la saadaalinayey inuu yahay ninka ku guuleysanaya jagada Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamaanka, laakiin arintaas mid ka duwan ayaa shalay dhacday, waxaana dad badan u fasirteen in tani cadeyn u tahay in isbadal cusub.

Balse arinta xusidda mudan ayaa ah in sababo isbiirsaday ay keeneen in Faarax fagaaraha looga adkaado, waxaana ka mid ah sababahaas :

  1. Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe oo codadka xildhibaanada taageera u weeciyey dhanka Cabdiwali Muudeey, iyagoo aad uga soo horjeeday in Faarax C/qaadir kursigan ku guuleysto,.

  2. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa isna kaalin mug leh kulahaa in Faarax guuldareysto, wuxuuna ka cabsi qabay in hadii Faarax kursigaan ku guuleysto uu caqabad ku noqon doono hab-Maamulka Barlamaanka.

  3. Kooxda Xasan Sheekh oo kalsooni badan qabtay taas oo keentay in aysan awood badan saarin soo bixidda Faarax.

  4. Qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersan Xasan Sheekh oo sababo gaar ah ku diidanaa Faarax C/qaadir.

Arintan ayaa muujinaysa in Kooxda Xasan Sheekh ay dib ugu laabteen istaraatiijiyada ciyaarta, waxaana markaan laga doonayaa in ay si fiican u aqriyaan casharada guuldarada Faarax.

W/Qorey : Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Ceelhuur Online