Muqdisho: Booliska oo toogtay 4 Ruux oo dil geysan rabay

Wararka Maanta

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in maanta degmada Howlwadaag ee Magaaladda Muqdisho ay ku dileen Afar ruux oo ay sheegeen in ay tooga rabeen Agaasime ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda Xukumadda Faderaalka Soomaaliya.

General Zakiyo Xuseen Axmed Taliye ku xigeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Ciidanka amaanka ay ku guuleysteen in ay toogtaan Afar ruux oo midkood Dumar aheed oo doonayay in ay toogtaan Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Cabdi Gare.

“Ciidanka booliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiil iyo hal haweeney oo hubka u siday” ayay tiri Gen Zakiyo Xuseen.

Taliska Booliska ayaa sheegay in is rasaasayn dhex martay dablayda iyo Ciidanka amaanka taasna ay u suurta gashay in ay toogtaan Afartaan Ruux.

Boolisku ma sheegin hadii Khasaare kale ka dhashay is rasaasaynta dhexmartay Ciidankooda iyo Dablayda dilka ka Fuli rabtay Maagaaladda Muqdisho oo Ciidanku toogteen.

Isha: Radio Mustaqbal + Twitter