Dhageyso: Xildhibaan C/raxmaan Odawaa oo ka hadlay Wadahadalada Galmudug iyo Ahlu sunno

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirkii hore arimaha gudaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo wareysi siiyey idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayuu kaga hadlay wada hadalada la filayo in saacadaha soo socda Muqdisho uga furmaan Dowlad goboleedka Galmudug iyo Maamulka Ahlu sunno.

Xildhibaanka ayaa kula dardaarmay in labada dhinac la yimaadaan tanaasul, lagana faa’iideysto fursadda la heysto, Hindisaha ay waddo dowladda federaalka ahna la taageero.