Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray xarunta daryeelka caruurta dayacan

Wararka Maanta

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dib u howlgalinta xarunta daryeelka caruurta dayacan iyo kuwa Agoonta ah ee degmada Warta Nabada.

Xarigjarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho  Cumar Filish waxa uu kormeeray qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay ee loogu talagalay in lagu daryeelo caruurta agoonta ah iyo kuwa dayacan si ay helaan fursada lamid ah kuwa ay waalidiintooda nool yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa digniin u diray dadka sida qaldan u isticmaala dhulalka danta guud ee bulshada loogu adeegi lahaa.