Wafdi ka socda Ahlu sunno oo Muqdisho Ku wajahan

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi ka socda Ururka Ahlusunna ee gobolada dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in ay maanta  gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan Wadahadalada dowlad goboleedka Galmudug iyo Ahlu sunno uga furmaya Muqdisho.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Madaxweynaha maamulka Ahlu sunno Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Mas’uuliyiinta Ahlusunna  ayaa  ka qeyb galay Wadahadalada labada dhinac.

Ururka Ahlusunna ayaa maalimihii lasoo dhaafay ka biyadiidana in ay wadahadalada uga qeyb gasho magaca Ahlu sunno, iyagoo sheegay in ay yihiin dowlad goboleed la siman Galmudug,  laakiin hadda waxaa muuqata in ay qaateen ka qeyb galka wadahadalada.

Wadahadalan ayaa la filayaa in aysan in hor fariisan labada dhinac, waxaana dowlad federaalku u kala dab qaadi doontaa labadaas wafdi, 10 bishan ayey aheyd in wada hadaladana furmaan, waxaana muuqda in dib u dhac badan jiro.

Xubnaha Matalaya Galmudug ayaa horey u gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana laga dhursugayaa wax ka soo baxa wada hadaladaas.