Sawiro:Maalinta Naafada Aduunka oo Muqdisho laga xusay

Wararka Maanta

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyo sidoo kale qaar ka mid ah caasimadaha maamul goboleedyada ayaa Maanta laga xusay Maalinta dadka Naafada ah .

Munaasabad lagu weynaynayay Maalinta naafada Aduunka oo ku began 3-da December waxa lagu dhiira galinayay Dadka baahiyaha Gaarka qaba ee Ku nool magaalada muqdisho waxaa soo agaasimay wasaarada haweenka iyo Xaquuqul aadanaha, Hay’ada SSG iyo Golaha naafada qaranka.

Qaar ka mid ah dadka Naafadaha ah ayaa soo jeediyay aragtiyo ay kaga hadlayaan baahiyaha gaarka ah ee haysta , islamarkaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay wax ka qabato.
Gudoomiyaha golaha naafada qaranka Cali Cabdullahi Salaad ayaa ugu baaqay dadka iska leh daaraha iyo goobaha ganacsi in ay u sameyaan qaab ay ku gali karaan dadka naafada. Isagoona dhanka kale codsaday in la dhiira galiyo barnaamijka Albaabka iga fur.

img_0747-1024x768   img_0754-1024x768

img_0753-1024x768

img_0751-1024x768