Dib u dhac ku yimid Shirka dib u eegista Dasturka

Wararka Maanta

Shir weynaha qaran ee daah furka dib u eegista Dastuurka Dalka oo lagu waday in uu si rasmi ah uga furmo maanta magaalada Muqdisho ayaa la shaaciyey in dib loo dhigay.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka Shir weynaha qaran ee daah furka dib u eegista Dastuurka kaasi oo qorshihiisu ahaa in uu furmo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 08da October  magaalada Muqdisho.

Shir weynahan oo daah fur u ahaa qorshaha dib u eegista Dastuurka Dalka ayaa waxaa mudooyinkan qaban qaabadiisa waday Wasaaradda Dastuurka ayaa waxaa loo qorsheeyey inay ka qeybgalaan ku dhowaad 500 ruux oo qeybaha bulshada,siyaasiyiin iyo qurbo joog isugu jira ayadoo ololahanna ku talagalkiisu yahay in uu socdo mudo laba sano ah.

Wasiir Xoosh ayaa baaqashada ku sababeeyay arimo Farsamo oo kaliya mana sheegin xiliga uu sida rasmiga ah u qabsoomi doono Shirwaynaha daah furka dib u eegista Dastuurku.

Shirkaan oo maanta lagu waday inuu Muqdisho ka furmo waxa uu dib u dhiciisu imaanayaa xili Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista dastuurku Shalay ku dhawaaqeen inasan ka qayb galayn Shirwaynaha ay qaban qaabadiisa waday Wasaaradda DDFS waxaa sidoo kale sheegay inaysan ka qayb galayn Shirka maanta baaqday qaar kamid ah Wassaradaha Maamul Goboleedyada Dalka