Madaxweyne Xaaf oo kormeeray Xarumo laga dhisayo Dhuusamareeb (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ay wehliyaan Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir iyo Wasiiro ayaa maanta kormeeray xarumo dhismahoodu ka socday Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa booqday dhismayaal loogu talagalay in ay maamulku ku shaqeeyaan, waxaana howshaan fulinaya shirka Maxali ah oo  lagu magacaabo Dhaldhis. Madaxtooyada iyo Wasiirada Galmudug ayaa la filayaa in ay si rasmi ah ugu guuraan caasimadda kadib fulinta heshiiska Ahlu sunna iyo Galmudug.

Dhanka kale Waxaa heer gabagabo maray dib u eegista dastuurka Galmudug oo ay ka shaqeynayaan 12 xubnood oo ka tirsan labada dhinac, sidoo kale arintaan waxaa garwadeen ka ah 3 xubnood oo khubaro ah. Waxaana la filayaa in ay marka dhameeyaan la horgeyn doona midowga labada barlamaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inuu u safro Magaalada Muqdisho, warar hoose ayaa sheegaya in ay u yeertay dowladda federaalka oo ka biyo diidsan qaabka wax u socdaan, oo aysan lug ku laheyn, Waxaa soo baxay shaki laga qabo in Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxda Ahlu sunna ku heshiiyeen muddo kororsi, taas oo ay diidan tahay dowaladda federaalka.

Sawir Qaade: Cabdullaahi Warsame