Ciidamada Puntland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada duleedka degmada Qandala ee Gobolka Bari

Wararka Maanta

Ciidamada maamulka Puntland ayaa kusii siqaya degmada Qandala ee gobolka Bari, oo ay ku sugan yihiin ciidamada taabacsan kooxda Daacish.
Ciidamada Puntland oo taageero ka helayo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa dhaqdhaqaaqyo ka wada duleedka degmada Qandala oo ay doonayaan iney ka saaraan kooxda Daacish.

Ciidamada isbaheysanaya ayaa inka yar 30 KM u jira degmada Qandala, waxaana jirta baqdin dadka deegaanka ka qabaan dagaalo magaalada ku dhexmara labada dhinac.

Yuusuf Maxamed Waceys, gudoomiyaha gobolka Bari iyo saraakiil ciidan ayaa hogaaminaya qorshaha la doonayo in ciidamada Puntland ku qabsadaan degmada Qandala iyo deegaanada ku xeeran.

Saraakiisha qaar oo saxaafada la hadlay ayaa sheegaya in wali inta waddada ku jiraan aysan arkin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen kooxda Daacish.

” Ma jirto wax iska caabin ah oo aan ilaa iminka la kulaney halkaas waxaana ciidanka muujinayaan taxadar iyagoo iska ilaalinaya in qaraxyo kooxda tageersan Daacish halkaas dhigtey”. Ayuu yiri sarkaal ka mid ah ciidamada Puntland.

Kooxda Daacish ayaa dhankeeda dhaqdhaqaaq ciidan ka wadda degmada Qandala.