SAWIRO;-Qalabka Hawada somaliya lagu maamulayo oo si Rasmiya loo rakibayo

Wararka Maanta

Xarunta Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada ayaa waxaa si rasmi ah uga bilowday rakibaada qalabka loogu tala galay in lagu maamulo hawada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in ay maamusho maamulka Hawadeeda,islamarkaana ay la socoto dhaq dhaqaaqa Hawada Soomaaliya.

Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa  Wariyeyaasha u sheegay in si rasmi ah muddo 27 sanno kaddib laga maamuli doono Hawada Soomaaliya magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo kala duwan oo ay ku doonayso in ay kula soo wareegto Maamulka Hawada Soomaaliya oo hadda ay gacanta ku heyso ICAO.