Xog:Imisa Magaalo oo Galmudug ah ayuu MD/Farmaajo Booqan Doona?

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahaan socdaal ku maraya gobolo ka tirsan dalka ayaa laga sugayaa deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaal dhulka ah ku tagay magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, waxaana la filayaa inuu tago magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Waxaana Maanta la qorsheynayaa inuu kaga sii gudbaa deegaanada Galmudug oo diyaar garow xoogan uu ka socdo.

Magaalada Gaalkacyo oo uu ka bilaabanayo Safarka Madaxwaynaha ee Galmudug waxaa ku sugan Madaxwayne Xaaf.Sanetor Cabdi-Qaybdiid iyo Wasiirka  Arimaha Guddaha Somalia Eng Sabriye Madaxdaan iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo Galmudug ayaa wada Diyaar Garoowgii u danbeeyay ee Soo dhawaynta Farmaajo.

Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa lagu wadaa inay noqoto Magaalada Xigta ee uu Booqdo Madaxwayne Farmaajo oo laga dareemayo Diyaarowga soo dhawayntiisa bulshada Cadaado oo saluugsan Heshiiskii Galmudug iyo ahlusunna ayaana Farmaajo hor dhigi doona Tabashooyinkooda waxaana Cadaado shalay ka dhacay Banaanbax ay dadka qaar ku muujiyeen siday uga xun yihiin Heshiiskaasi.

Cabud-waaq ayaa noqon doonta Magaalada sadexaad ee uu tago Madaxwayne Farmaajo waxaana shalay gaaray Wafdi uu hor kacayo Madaxwayne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo Bulshada sii gaarsiiyay Fariinta imaatinka Madaxwaynaha Somalia.waxaana suuragala inuu gaaro Xeraale.

Dhuusomareeb iyo Guriceel waxaa asbuucaanba laga Dareemayay Diyaarowga Soo dhawaynta Farmaajo waxaana halkaas jooga Xubno ka socda Madaxtooyada Somalia Madaxwaynaha ayaa ku wajahan Dhuusomareeb oo Baryahaan siyaabo kala duwan loogu handaday Madx katirsan Dowladda dhexe sida Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo iyo qaar kamida ah Bulsho halkaas u tagay Soo dhawayntiisa Arintaan ayaa Muujinaysa in Ururka Ahlusunna ay wili wadaan Caburinta dadka an ka mid ahayn ayaga mana muuqato tilaab loo qaaday isku darkii Galmudug iyo Kooxdaan hasayeeshee Madaxwayne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qayb galo Dhamaystirka Heshiiskii Jabuuti iyo Muqdisho.