Akhriso: Jadwalka Doorashada Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya

Wararka Maanta

Jadwalka doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la soo saaray.

1. 03 ilaa 05 Janaayo 2017 diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

2. 08 ilaa 09 Janaayo 2017 hadal Jeedinta Musharaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

3. 11 Janaayo 2017 Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

4. 12 Janaayo 2017 Doorashada Guddoomiye Ku Xigeenada Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

Xildhibaan Aadan Isaaq Cali ayaa loo doortay Xoghayaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

Tagged