Sassuolo Oo Soo Diiday Weeraryahanka Liverpool Ee Mario Balotelli

Ciyaaraha

Rajadii Mario Balotelli ee ahayd in uu ka tago Liverpool  waxaa markale  niyadjab ku riday kooxda Sassuolo markii ay iska soo diiday saxiixa xidige reer Talyaani.

26-sano jirkaan ayaa dhaliyay kaliya hal gool xilli ciyaareedkii ugu horeeyay  Reds, halka amaah ah dib loogu diray AC Milan xilli ciyaareedkii kadibna ku soo laabtay kooxdiisa.

Sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, tababaraha Neroverdi Eusebio Di Francesco – kaasoo qorsheynaayo kooxdiisa  xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee abid Europa League – ayaa dalab u soo diray qaadashada Balotelli kooxda Liverpool.

sido kale kooxda Serie A ka dhisan ee Chievo ayaa lagu soo waramayaa inay rajo ka qabaan  heshiis in ay la gaaraan kooxdiisa Merseyside  xiddigii hore ee Inter Milan iyo Manchester City oo gaarey.

Comments are closed.