Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta Israa’iil.

Mr Du, oo 58 sano jir ah ayaa waxaa meydkiisa laga helay sariirtiisa ilaa haatana lama oga sababta ka dambeysa dhimashadiisa.

Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii Febraayo ee sannadkan, waxa uu horay Shiinaha ugu fadhin jiray Ukraine. Safiirka waxa uu ahaa xaasle, waxa uuna dhalay wiil keliya balse qoyskiisa.

Afhayeen u hadlay booliska Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay: ”Booliska haatan waxay ku sugan yihiin goobta si ay baaritaan u sameeyaan.”

Telefishanka kanaal 12 ee Israa’iil oo soo xiganaya ilo wareedyo caafimaad oo aan la magacaabin ayaa sheegaya in Mr Du uu u geeriyooday isagoo hurda.

Farriin lagu daabacay bogga safaaradda magacaabistiisii kaddib, ayuu Mr Du ku ammaanay xiriirka u dhaxeeya dalkiisa Shiinaha iyo Israa’iil.

Jimcihii safaaraddiisa ayaa weerar afka ah ku qaadday Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo dhaleeceyay qaabkii uu Shiinaha ula tacaalay fayraska corona xilli uu ku sugnaa Israa’iil.

Jawaab lagu daabacay jariiradda Jerusalem Post ayay safaaraddu ku dhaleeceysay hadalka ka soo yeeray Mike Pompeo iyagoo sheegay in Shiinuhu uusan weligii qarinin xaaladda fayraska corona.

Isha: BBC