Madaxwayne Farmaajo oo gaaray Puntland

Wararka Maanta

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhaw wuxuu gaaray Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Farmaajo iyo xubnihii Wafdiga la socday, ayaa Garoonka diyaaradaha waxaa loogu soo dhaweeyay si wayn, waxaana halkaasi lagu sii diyaariyay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha u diyaarsanaa.

Sidoo kale dad aad u fara badan oo xaafadaha Magaalada Garowe isaga kala yimid, ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ee maanta ka dagay Magaalada Garowe.

Ammaanka Garoowe ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidamada Koofi Gaduuda Madaxtooyada Somaliya oo maalin ka hor halkaasi la geeyay iyo ciidanka Puntland.

Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ka qayb gali doono munaasabad kooban oo xariga looga jaraayo dhismaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe oo dib u dhis lagu sameeyay.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in caawa uu ku hoydo Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Kala soco Ceelhuur.com Wararka Booqshada Farmaajo ee Puntland Insha  Allah