Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Qatar.
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaas.
Muhiimadda Safarka Ra’iisulwasaaraha ayaa ku aadan sidii ugala soo hadli lahaa mashaariic horay u balanqaaday dowladda Qatar oo aanay weli waxba ka fulin, mashaariicdaas ayaa waxaa ka mid ah dhismaha Dekedda Hobyo.
Dhanka kale Qatar ayaa joojisay muddooyinkii u dambeeyay taageero dhaqaale oo bille ah oo ay ku kabi jirtay miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, waxaana labadii sano Qatar aheyd taageeraha ugu weyn ee dowladda Madaxweyne Farmaajo.
Safarka Kheyre ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qeybgalay shirka wadamada islaamka.