MD Farmaajo oo Safar aan la shaacin ku tagay Addis Ababa (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Itoobiya kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed iyo xubno kale ka tirsan dowladda Itoobiya.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa kulan looga hadlay arrimo kala duwan ku yeeshay Magaalada Addis Ababa,isla markaana waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo arrimo kale.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in safar Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa uu daarran yahay sidii ciidamo itoobiyaan ula wareeggi lahaayeen suggidda amniga doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland, horey waxaa Addis Ababa u joogay Fahad Yaasiin oo ah ku simaha Taliyaha NISA.

Dhawaan ayey aheyd markii garoonka Jomo Kenyata lagu qabtay lacag gaaraysa 1.7 Million Dollar oo la sheegay in lagu laaluushi rabay Dowladda itoobiya si ay ciidamadoodu faragelin ugu sameyn lahayeen doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada barakeysan ee Makkah Al-mukarramah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga qeyb galay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka,isla markaana safarka uu ku tegay Addis Ababa waxa uu ahaa mid aan hore loo shaacin.