Akhriso: Taariikhda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo

Wararka Maanta

farmaaajo

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa ku guuleystay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib doorasho adag oo uu la galay Labo Madaxweynayaal hore oo uu kula tartamay wareega labaad ee doorashada.

Farmaajo ayaa wareega labaad helay codod badan, taasoo keentay in Musharaxii ku xigay ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu tanaasulo.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa 14 October ee sanadkii 2010 loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, xilligaasoo uu si rasmi ah uu saaxada siyaasada u soo galay.

Farmaajo oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa noloshiisa ku soo qaatay qurbaha, gaar ahaan dalka Mareykanka oo uu muddo dheer deganaa magaalada New York.

Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya bishii April 1962-dii.

Wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ku qaatay magaalada Muqdisho.

Wuxuu shahaadada B.A iyo M.A ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-dii iyo 2000.

Shaqooyin kala duwan ayuu soo qabtay oo ay ka mid tahay dhanka xuquuqda aadamaha.

Agaasime  guud ka soo noqday hay’ad u dooda xuquuqda bulshada sanadkii 2002-dii ilaa wakhtigan uu ka shaqeynayay.

Wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee ee dalka Maraykanka sanadihii 1986-dii ilaa 1989-kii.

Intii uu burburku dhacay Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu inta badan ku noolaa dalkan Maraykanka,