Laftagareen oo sheegay inuu gurigiisa ku booqday Mukhtaar Roobow

Wararka Maanta

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay inuu u howlgalay arrinta xarigga Mukhtaar Roobow, kuna booqday halka uu ku sugan yahay, isagoo caddeeyay in aanu xirneyn oo uu guri degan yahay.

C/casiis Lafta Gareen oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii loo doortay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed uu bilaabay inuu xaliyo wixii dhacay doorashadiisa ka hor, sida rabshadihii Baydhabo ay dadka ku dhinteen.

“Shacabka reer Koofur Galbeed qabashadii Mukhtaar Roobow rabshado ayaa dhacay waxaa ku dhintay afar qof, labo askari ayay ahaayeen, labo qofna midna xildhibaan Koofur Galbeed ah midna nin dhalinyaro ah oo reer Bajaaj wado, aniga markii ay dhacayeen rabashadaas musharax ayaa ahaa, magaalada degenaa, mas’uuliyad ma heyn, waxaa balanqaaday in aan xaliyo wax alla wixii dhib ah ee iga horeeyay, waxaa aaminsanahay in aan 80% aan xaliyay, dadkii dhintay ee afarta qof ahaa diyo ayaa la siiyay, alle waa nagu guuleeyay, laakiin waxaa jira dad si xun wax u sheeg ah”ayuu yiri C/casiis Lafta Gareen.

Mar uu ka hadlayay arrinta xariga Mukhtaar Roobow ayuu sheegay in aanu xirneyn, isla markaana uu guri degan yahay.

“Mukhtaar Roobow waa soo sallaamay, waa caafimaad qabaa, guri ayuu degan yahay, ma xirno, waxaa u dhiman kaliya xuquuqdiisa kale sida dhaq dhaqaaqiisa iyo dhaqaaqa siyaasaddiisa, taasna waa ka shaqeyneynaa sidii uu u heli lahaa.

Lafta Gareen ayaa sheegay in Kiiska dowladda Federaalka iyo Mukhtaar Roobow uu ka horeeyay xilligii doorashadiisa, isla markaana markii hore uu Xarunta Nabadsugida degenaa, xilligii uu Baydhabo imaanayay oo is sharaxayay ay dowladda war ka soo saartay oo ay tiri isma sharaxi kartid.