RW Kheyre oo Daah furay Imtixaanka Mideysan ee Dugsiyada Sare Dalka

Wararka Maanta

Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare dalka, oo sanadkaan ay u fariisanayaan 27,600 oo arday. Ra’iisul Wasaaraha oo booqday goobo lagu qaadaayay Imtixaanka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay naftooda aaminaan,islamarkaana ay si degan Imtixaanka uga shaqeeyaan,qishkana ay iska ilaaliyaan.

Imtixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. inkastoo Magaalada Beledweyne dib loo dhigay Imtixaanka Madaama ay Fatahaada Webiga saameysay iskuulada Magaalada sida uu horey u sheegay wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Goobaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa shalay oo Jimco aheyd waxaa la wareegay ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi. Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa isugu si gaar ah u qaada imtixaanka dugsiyada Sare.