Somaliland oo u diiday inuu Hargeysa ka dhoofo Ismaciil Buubaa

Wararka Maanta

Somaliland ayaa u diiday inuu garoonka Hargeysa ka dhoofo Ismaciil Hurre Buubaa oo hore u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya hadana ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani xilli uu u dhoofayey magaalada Nayroobi .

FB_IMG_1496662531779
wasiiru dawlaha amniga Maxamed Muuse Diiriye ayaa warbaahinta u sheegay in sababta ay ugu diideen Buubaa inuu dhoofo ay ahayd isaga oo adeegsanayey Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Soomaaliya .
wasiirku waxa uu intaas ku daray in ay ogolyihiin in la isticmaalo basaaboor kasta oo dal kale leeyahay marka laga reebo kan Soomaaliga diblumaasiga ah ee Buubaa sitay